Sunday, June 16, 2013

          


                              MAGACYADA  BILAHA  SOOMAALIDA

Soomaalidu Islaamka ka hor, waxay magacyo afsoomaali u lahaayeen 12ka bilood ee sannadku ka kooban yahay. Labada magac-bilood ee Soon iyo Carrafo ee dadku moodaan inay af carabi yihiin ma aha e waa afsoomaali oo in la soomaana way ka horreysay Islaamka magaca Carrafana waa meel magaceed oo isaguna Diinta Islaamka wuu ka horreeyey. Midda kale, geyigaa carbeed ee maanta loo yaqaan Sucuudiga intiisa badan carabta ka hor waxaa deggenaa qabaa'ilka xaamiyiinta (Hamites) oo Qurayshi dhiig iyo dhaqanba ka dhaxashay.

Si loo garto bilaha Soomaaliga kuwa carabiga ee ay beegan yihiin, halkan waan isku garab qoray:

1. Muxarram ---------Dago
2. Safar          ---------Dhurro Hore
3. Rabiicul Awal -----Dhurro Danbe
4. Rabiicul Thaani----Rajal Hore
5. Jamaadul Awal-----Rajal dhexe
6. Jamaadul Thaani ---Rajal Dambe
7. Rajab       -------------Sabbuux
8. Shacbaan--------------Waaberiis
9. Ramadhaan ----------Soon
10. Shawaal -------------Soonfur
11. Dulqacda------------Sadataal
12.Dul Xijah   -----------Carrafo

Bilahan Afsoomaaliga waxaan kasoo xigtay bloogga Seid Abdillahi Abdi oo isaguna kasoo xigtay Redseaonline.com.

No comments:

Post a Comment